Federaalka oo ka hadley dib u dhaca ku yimi wada hadalka Puntland

Image

Axad, September 21, 2014 [GO]- Qoraal kasoo baxay xafiiska ku simaha Ra'iisul Wasaraha Somalia Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa lagu sheegay Dowladda Federaalku inay dhowaan wada hadal la furii doonto Puntland.

Ridwaan ayaa sheegay dib u dhaca ku yimi wada hadalkii horay ugu baaqday Dowladda Puntland uu salka ku hayo arrimo farsamo waxaase la hadal hayaa tilaabadda xigta Puntland ka qaadan doono Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

''Waxaan dadka Puntland iyo xukuumadoodaba u xaqiijinayaa in Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay wada shaqeeyaan Puntland si loo soo celiyo kalsoonidii iyo midnimadii qaran” Ridwan Xirsi ayaa sidaasi yiri.

Shalay oo taariikhdu ku beegnayd 20 Sept,2014 ayuu ku ekaa waqtigii Puntland u qabatay wada hadal ay la gasho dowladda Federaalka ah balse ma jiro ilaa iyo hada go'aan muuqda oo madaxtooyadda Puntland kasoo baxay.

Puntland ayaa xiriir aan la shaacin markii dib loo soo celiyey u jartay dowladda Muqdisho [July 31,2014] kaddib markii ka biyo diiday maamulka loo dhisayo gobollada dhexe oo sida la shaaciyey ka koobnaan doona gobolka Mudug iyo gobolka Galguduud.

Dowladii Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole ayaa horey xiriirka ugu jartey dowlada Federaalka kadib markii Dastuurka Somalia faragalin lagu sameeyey.

Wararka soo gaaraya warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya dhamaadka bishaan uu kusoo wajahan yahay magaalada Garowe Ra'iisul Wasaraha Somalia Cabdiwali Shiikh Axmed oo hadda ku sugan Norwey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM