DF oo ka hadashay furitaanka shirka Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ka hadashay furitaanka wadahadaladda Dhuusamareeb ayaa xustey in qorshuhu ahaa in uu bilowdo fiidnimadii xalay balse uu u baaqdey "madaxda oo daalneyd iyo qorshaha oo dib u dhacay".

Cismaan Abuukar Dubbe, wasiirka warfaafinta oo xalay saqdii dhexe shir jaraa'id ku qabtay magaaladda Dhuusamareeb, ayaa daaha ka rogay inay rajeynayaan in wadaxaajoodyaddu bilowdaan gelinka hore ee maanta ama ugu dambeyn fiidnimadda caawa.

"Waxaan rajeynaynaa in shirkaan Dhuusamareeb 4 uu ayidaad u noqdo heshiiskii 17-kii September ee lagu gaarey Muqdisho," ayuu ku daray Mr Dubbe oo ku hadlay afka madaxda dowladda dhexe.

Shirkaan oo madaxweyne Farmaajo iclaamiyey 31-dii Janaayo, 2020 ayaa qorshuhu ahaa in uu furmo 1-da Febraayo lana soo gabagabeeyo 3-da Febraayo, balse waxaa muuqata in aysan dhicin.

Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa dib-u-dhacaas, balse waxaa loo aaneynayaa jadwalka oo si deg-deg ah lagu sameeyay iyo imaatinka hogaamiyeyaasha oo waqti qaadatay.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, ayaa shalay ku biiray Farmaajo, ra'iisul wasaare Rooble iyo hogaamiyeyaasha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle oo kal hore iska xaadiriyey Dhuusamareeb.

Wadaxaajoodyaddan oo si weyn isha loogu hayo ayaa loo arkaa fursadii ugu dambeysay ee madaxda Soomaalida ay is-afgarad uga gaari lahaayeen is-faham-waaga ka taagan qodobadda qaar ee bud-dhiga u ah doorashadda si gaar ah dhaqan-gelinta heshiiskii September.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM