DFS oo ku baaqday in loo gurmado dadka abaaruhu saameeyeen

Image

Muqdisho [GAROWE ONLINE]-DF ayaa beesha caalamka iyo dadka hantida haysta ugu baaqday inay gurmad lasoo gaaraan gobaladda ay baaruhu ka jiraan si loo samata bixiyo qoysaska taagta daran.

Shirka gollaha wasiiradda DF ayaa arintan iyo xaalada ammaan ee Muqdisho looga hadlay waxana la sheegay inay muhiim tahay sidii wax looga qaban lahaa xaalada abaareed ee gobalada dalka qaarkood ka jira.

Ku simaha Ra'iisul wasaraha DF ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta Ridwaan Xirsi Maxamed oo shir gudoon ahaa ayaa baaq u diray dadka dhaqaalaha haysta.

''Dowladda Soomalaiyeed waxaa masuuliyad ka saaran tahay nolosha muwaadiniinteeda, waxaana xukuumaddu qaadanaysaa kaalinteeda kaga aaddan wax-u-qabadka dadka ku dhibaataysan gobollada ay abaaruhu ku dhufteen. Sidoo kale, waxaan ugu baaqayaa dadka wax haysta ee Soomaaliyeed iyo hay’adaha gargaarka inay ka qayb-galaan gurmadka loo fidinayo dadka baahan.''

Gobaladda ay abuuruhu ka jiraan waxaa ka mid ah Gedo iyo Hiiraan kuwaasoo war bixinada laga helayo ay sheegayaan in xoolaha iyo dadku ay haraad iyo gaajo qarka u saaran yihiin inay u dhintaan halka kuwo kelna ay xanuno la ildaran yihiin.

RW.Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa horay ugu dhawaaqay in xaalad abaareed oo ka hor tag u baahan ay ka jiraan qaybo ka mid ah gobaladda dalka caalamkana looga baahan yahay inay gurmad ku taageeraan si looga hortago abaartii dhacday 2011.

Inkastoo dadka ay sugayeen madaxda DF siday uga jawaabaan go'aamadii kasoo baxay shirkii wadatashiga ahaa ee madaxtooyadda Puntland ka qabsoomay ayaanan looga hadlin shirka gollaha wasiiradda DF.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jira Inuu Joojiyo burburka Wadahadalada Doorashada

Tallaabadan ayaa u muuqata mid si toos ah uga horimaanaysa codsi ka yimid Villa Somalia oo ku aaddan in wadahadalada la sii wado.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 11:21AM