DF oo markii ugu horreysey adeegsaneysa diyaaradaha Drones-ka

Image

March 7, 2015 (GO)- Dowladda Federaalka ayaa markii ugu horreysey adeegsan doonta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay ula dagaalanto ururka Al-shabaab.

Wakaaladda wararka shiinaha ee Xinhua oo soo xiganeysa af-hayeenka Wasaaradda Amniga Dowladda Federaalka Maxamed Yuusuf ayaa warkan baahisey.

" wadamada aan saaxiibka nahay ayaa nagu caawinaya diyaaradaha bilaa duuliyaha ah si aan ugu adeegsano burburinta kooxda Al-shabaab" Af-hayeenka ayaa sidaas yiri isagoo xusay in wada shaqeyn fiicani ka dhexeyso ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa ka socda Midowga Afrika ee AMISOM.

Maraykanka ayaa duqeymo badan oo diyaaradaha bilaa duuliyaha ah oo adeegsadey wuxuu ku diley saraakiil badan oo hoggaanka Al-shabaab ka tirsanaa, waxaana kamid ah hoggaamiyihii hore ee Axmed Cabdi Godane oo September 2014 lagu diley duqeyn ka dhacay duleedka Baraawe.

Xigasho: Xinhua

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM