Dowladda Somalia oo Tageero Ciidan Waydiisatey Mareykanka [AKHRI]

Image

MUQDISHU- Sarkaal sare oo ka tirsan dowlada Federaalka Somaaliya ayaa waraaq uu u qorey Dowlada Mareykanka kaga codsadey in tageero ciidan la siiyo kadib markii god laga qado macdanta Yuraaniyumka ( Uranium) qabsadeen kooxaha argagixiso ah. 

Qoraalkaan oo uu baahisay Fox News ayaa lagu sheegey in Wasiirka arimaha dibada Dowlada Somaaliya waraaq uu u qorey safiirka dalka Mareykanka u fadhiya Somaaliya Stephen Schwartz ku sheegey codsigaan.

Warbaahinta Mareykanka ayaa qoraalkaan baahisay iyadoo safiirka dalka Somaaliya u fadhiya Washington u xaqiijiyey warkaan saxaafada.

Yusuf Garaad ayaa sheegey in kooxaha argagixisada ah damacsan yihiin in macdantaan u diraan dalka Iran isagoo dhinaca kale tibaaxey in Amisom awoke badan laheyn.

Waraaqdaan oo ku taariikheysneyd August 11,2017 lagu sheegey in dowlada Mareykanka laga   Rabo tageero ciidan madaama koox ka tirsan ururka Al shabaab iyo ISIS ku midoobeen iney qabsadeen degaano ka tirsan gobolada dhexe kuwasoo.

Hadalkaan ayaa soo baxaya asbuuc kadib markii Ra'isal wasaraha Somaaliya soo saarey amar ku saabsan in Wararka xasaasiga ah xubno ka tirsan xukuumada u gudbin saxafaada kadib dhacdadii Bariire.

Halkaan ka akhri Warka Fox News ka qortey arinkan 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM