DF Soomaaliya oo diidey eedeyn dalka Imaaraadka u soo jeediyey [Dhageyso]

Image

MUQDISHO- Dawladda Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay cambaarayn uga timid dhinaca dalka Imaaraadka Carabta oo la xiriritay lacagtii ciidamada amnigu ay ku qabteen garoonka diyaaradaha ee Muqdishu maalintii Axaddii.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in ciidamada amnigu ee Soomaalidu ay qoryo ku qabteen dadkii diyaaradda saarnaa isla markaana ay kala wareegeen $9 milyan iyo 600 kun oo dollar, waxayna ku tilmaantay tallaabadaasi mid sharci-darro ah oo xadgudub ku ah shuruucda caalamka. Imaaraadka ayaa sheegay inay arrintaasi jebinaysay is-afgarad ay horey u gaareen Soomaaliya iyo Imaaraadka sannadkii 2014-ka.

Hase yeeshee dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay difaacday tallaabada ay qaadday waxayna sheegtay in safiirka imaaraadka ee Muqdishu uu diiday in boorsooyinkaas la mariyo qalabka baadhitaanka iyaga oo aan la furin.

Sarkaal u hadlay Soomaaliya waxa uu sheegay in in boorsooyin aan ahayn kuwo diplomaasiyeed in loo adeegsado ujeedooyin diblomaasiyadeed waxay laalaysaa xasaanaddii ay cahdiga Vienna ee xiriirka diplomaasiyadeed. Waxaa kale oo uu sarkaalkaasi uu sheegay in is-agaradka ay gaadheen Soomaaliya iyo imaaraadka uu waaqtigiisii dhammaaday sannadkii 2016-ka.

Halkaan ka dhageyso warbixintan.

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM