DFS oo ku fashilantay qancinta shacabka Hiiraan
BALADWEYNE- Mas'uuliyiinta ugu saraysa dowladda Federalka Somalia gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa ku fashilmay inay qanciyaan waxgaradka kasoo jeeda gobolka Hiiraan ee qaybta ka noqonaya maamulka loo dhisayo gobollada Shabeellaha dhexe iyo Hiiran.
Madaxweynaha Somalia, oo weli ku sugan xarunta gobolka Hiiraan, ayaa kulamo laleh bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaana dadaallo uu sameeyay mirahoodii noqdeen in dadku mudaharaadan islamarkaana lagu dhaawaco Saddex ruux oo dibad-baxayaasha kamid ah.
Dadka isu-soobaxay ayaa ka biyo diiday qaabka madaxweynuhu xalka u marayo kaasi oo ahaa inuu mid mid ula kulmo Ugaasyada diidan ka qayb galka shirka gogoshiisa taallo Jowhar.
Dhinacyo kala duwan oo la kulmay Xasan Sheekh kama uusan dheefin arrin uu ku qanco waxayna qabtood soo jeediyeen inaysan shirkaasi tagi doonin inta la saxayo qaladaadka shirkaasi ka gashay dowladda Somalia.
Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid, ayaa isna kasii horeeyay madaxweynaha dalka Somalia wuxuuna la kulmay waxgaradka gobolka Hiiraan, balse waxaa la hordhigay qodob adag oo ay kamidtahay in dowladda dhexe ku dhawaaqdo shir dib u hishiiseen oo lagu qabtay xarunta gobolkaasi, waxay sidoo kale dowladda dhexe ka codsadeen inay saxdo khaladaadka ka yimid dhinaca dhinaca dowladda Federalka gaar ahaan xubna loo xilsaaray shirkaasi.
Maxay tabanayaan dadka kasoo jeeda Hiiraan?
Arrinta ugu muhiimsan ayaa ah in dadka reer Hiiraan doonayaan martigalinta shirka maamulka loogu dhisayo iyaga iyo Shabeellaha dhexe, waxayna markii ugu horaysay ka biyo diideen madasha gogosha la dhigay ee Jowhar, waxayna u arkaan gobolkoodu inuu ka facweynyahay islamarkaana ka ballaaranyahay Shabeellaha dhexe.
Waxay sidoo kale dhaliileen qaabka loo qaybiyay shir guddoonka madasha iyagoo durba qaar kamid ah beelaha gobolkaasi isu arkeen inaysan helin xubnihii ay sugayeen, halka kuwa kale aysanba helin.
Dooda kale ee taagan ayaa in waxgaradka qaybtood tabasho ka muujiyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Somalia Cabdiraxman Maxamed Xuseen "Odowa", kaasi oo lagu dhaliilay inuu u hanjabay dadka gobolkaasi isagoo muujinaya in arrintani tahay daruuri dowladda dhexe waajib ka saarantahay sidii maamul labada gobol loogu samaynahay, isagoo ku goodiyay inay tahay San-dulle.
Waxgaradka gobolkaasi oo ka hadlay khilaafkan taagan, ayaa sheegay in dowladda Somalia aysan rabin tixgalinta aragtida shacabka, balse doonayaan in la qaado waxyaabo la dhoob dhoobay oo aan ku fadhin wada tashi iyo wax isla gorfayn.
Odoyaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, ayaa sidoo kale cadeeyay in kulanka ay la yeesheen madaxda sare ee dowladda Federalka aysan ka helin waxgarawshiyo ah, sidaasi darteed doorbideen inay tixgaliyaan rabitaanka shacabkooda ee aysan waafaqin talo soo jeedinta Xasan Sheekh iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid.
Danta DFS ka leedahay in dhakhso lagu dhiso maamulkan
Sida lawada ogsoonyahay dalka Somalia waxaa sannadkan ka dhacaysa doorasho, waxaana ka qayb galaya maamullada dalka waxaana lagu kala aragti duwanyahay habka loo marayo in kastooba la shaaciyay in lagu soo dooran doono 4.5. Waxaa jira maamullo u janjeera siyaasadda dowladda dhexe iyo kuwo ka madax banaan arrintaasi, waxaana loollan loogu jiraa hogaanka sare iyo cidda kusoo baxaysa.
Madaxda talada haysa ayaa aaminsan in maamullada ay dhisto dowladda Federalku uusan lahaan doonin saamayn badan islamarkaana uu taageero siin doono cidda ay wataan ee ka qayb qaadanaysa loollanka madaxtinimo, waxana sidoo kale qabaan inay ku cadaadin karaan maamullada kale ee kasoo horjeeda ra'yigooda.
Wataas qorshaha keenaya in la dadajiyo dhismaha maamulkaasi ka kooban labada gobol, waxayse dadka siyaasadda odorasa sheegayaan in arrintaasi caqabad ku noqon karto dowladda dhexe maadaama arrimo badan oo aan laga fiirsan imaan karaan.
Isku soo duuboo qorshihii dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh wali ma abyana oo wuxuu marayaa in xarunta gobolka Hiiraan looga banaan baxo, waqtiga harayna waa koobanyahay.
Warsidaha Garowe Online oo si dhaw ula socda arrinta ku saabsan dhismaha maamulka Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan, wuxuu idiin ballan qaadayaa inuu si dhaw idiin la socodsiiyo xalaadaha khilaafkan taagan.
GAROWEONLINE