​Dhagaysiga khudabaha murashaxiinta Wajiga 2aad oo la qabanayo

Image

MUQDISHU, Somalia- Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Somalia, ayaa maanta markii labaad dhagaysanaya Khudbadaha ay jeedinayaan Murashaxiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha.

Hadal jeedinta oo ah Qeybtii Labaad ah, waxaa la qorsheeyay inay golaha shacabka ka hor akhriyaan waxqabadka iyo taariikh nololeedkooda xubnaha kala ah;

Cabdinaasir Cabdulle Maxamed

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)

Cabdullaahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees)

Cabdullaahi Cali Xasan

Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi

Cabdulqaadir Cosoble Cali

Cali Xaaji Warsame.

Loollanka doorashada ayaa maraya meel xasaasi ah, waxaana murashaxiintu dadaal ugu jiraan sidii loo kasban lahaa codadka Xildhibaanada iyo quluubta shacabka, waxaana warbaahinta ragga qaybtood isu marinayaan eedaymo midba midka kale bannaanka kusoo dhigayo khaladaadka uu galay iyo siyaasaddiisa ku aadan hogaaminta waddanka.

Waxaa la filayaa in Maalinta Beri ah, lasoo gabo-gabeeyo Hadaljeedinta Murashaxiinta, iyadoo 6-7 Bishan ay Murashaxiinta ka qeybgali doonaan Doodo toos ah, oo warbaahinta qaranka tabin doonto.

Arbacada (February 8) ayaa lagu wadaa inay dhacdo Doorashada Madaxweynaha Somalia, waxaana u tartamayo 23 Murashax, waxaa tanaasulay Murashaxii 24-aad Tartanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM