Dhageyso: Nin Lagu Diley Hotel Naasohablood2 Xubno Qoyskiisa Kamid Ah

Image

Saraakiil dawladda Soomaaliya ah iyo hawlwadeennada caafimaadka ayaa sheegay in ugu yaraan 27 qof ay ku dhinteen weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdishu 45 kalena ay ku dhaawacmeen.


Dadka dhintay ayaa la sheegay inay u badan yihiin rayid shacab ah oo huteelkaais ku sugnaa iyo kuwo jidka marayey.


Waxaa kale oo la xaqiijiyey in dadka dhintay ay ku jiraan carruur qaarkood ay jiraan dhowr bilood.


Shacabkaasi dhintay waxaa ka mid ah qoys ay ka geeriyoodeen afar xubnood oo iksugu jira afar carruur ah iyo ayeydood. Saddex qof oo kale oo isla qoyska ah ayaa dhaawacmay.


Wareysigaan ayaa waxaa qaadey Haaruun Macruuf oo khadka telefoonka kula xiriirey aabaha wiil lix bil jir ah oo lagu dilay weerarkaas, waxaana uu ku dhintay canuggaas xabad ku dhacday hooyadiis oo dhabteeda uu ku sugnaa. 

VOA

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM