Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Image

Dhakhtar Kenyan ah oo lagu magacaabo Ambrose Kimiti, kana mid ahaa koox caafimaad oo Qaramada Midoobay (QM) u qaabilsanayd daad-guraynta bukaanada, una shaqaynaysay gudaha Soomaaliya, ayaa soo saaray farriin muuqaal ah oo uu kaga codsanayo Xoghayaha Guud ee QM António Guterres, Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo shacabka Kenya in ay gacan ka geystaan sidii isaga iyo xubno kale oo la socday loo sii dayn lahaa, kadib markii ay muddo ka badan hal sano iyo bar ku jiraan gacanta ururka Al-Shabaab.

Farriinta muuqaalka ah, Kimiti ayaa sheegay in diyaaraddii qumaatiga u kacda (helicopter) ee ay saarnaayeen kooxda daad-guraynta caafimaadka ay burburtay 10-kii Janaayo 2024, kaddib markii ay degitaan degdeg ah ka sameysay dhul ay maamusho Al-Shabaab, xilli ay ku jireen hawl gargaar bani’aadannimo oo rasmi ah.

Waxa uu sheegay in, inkastoo ay isku dayeen inay la xiriiraan Qaramada Midoobay kadib shilka, haddana aan la bilaabin wax gargaar rasmi ah ama wada-hadal lagu raadinayo sii deyntooda.

“Waxaan rumaysnayn inaan u adeegaynay arrin bani’aadannimo, balse Qaramada Midoobay waxay ku guuldarreysatay inay ka shaqeyso helitaanka xorriyaddeenna,” ayuu Kimiti ku sheegay farriinta.

Kimiti ayaa ugu baaqay Xoghayaha Guud ee QM António Guterres inuu si degdeg ah u farageliyo, isagoo carrabka ku adkeeyay in Qaramada Midoobay ay mas’uul ka tahay ilaalinta shaqaalaheeda iyo qandaraasleyaasha lagu afduubto xilli ay gudanayaan waajibaad rasmi ah oo hoos yimaada waajibaadka QM.

Sidoo kale, dhakhtarka Kenyan-ka ah ayaa ka codsaday Madaxweynaha Kenya William Ruto inuu adeegsado saamayntiisa si loo helo sii deyntooda, isaga oo ugu baaqay shacabka Kenya inay taageeraan dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro afduubka.

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

Farriintan ayaa daba socota baaq la mid ah oo dhawaan uu sii daayay duuliye u dhashay Ukraine, kaas oo isna la qabtay kadib markii diyaarad QM ay qandaraas ku lahayd ay ku qasbanaatay inay si degdeg ah ugu degto dhul ay ka taliyaan Al-Shabaab, isagoo ugu baaqay Qaramada Midoobay iyo dowladda Ukraine inay bilaabaan wada-hadallo lagu xaqiijinayo sii deynta xubnaha harsan ee shaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM