Dhalinyaro lagu maxkamadeeyay magalada Muqdisho

Image

1 September, 2015 (GO)-Maxkamada ciidama qalabka sida ee DFS ayaa maanta riday xukuno kala duwan oo lagu fuliyay dhalin yaro loo haysto dambiyo.

Xukunka ayaa ku dhacay afar dhalinyaro ah oo qeybtood lagu xukumada 10 sano hallka la sii daayay mid ka mid ah oo la sheegay in lagu waayay wax dambi ah, waxaana ku dhawaaqay guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Liiban Cali Yaroow.

Dhalinyarada la maxkamadeeyay ayaa kala ah; Cabaas Xasan Maxamed oo 16 jir ah  laguna xukumay 10 sano oo xabsi Ciidan ah, Mustaf Maxamed Cali  "Xaynoof" oo 21 jir ah  iyo Cabdiraxmaan  Jimcaale Muuse "Yamani" oo 19 jir ayaa lagu lagu xukumay 6 bilood oo dhaqan celin ah, waxaana dambi lagu wayay Shaafici Xasan Maxamed oo 15 jir ah.

Maxkamada ciidama qalabka sida ee Somalia ayaa horey u ridey xukuno kala duwan oo isugu jirey dilal iyo xabsiyo ciidam.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dhaqaale Xumo iyo Isbeddelada Hoggaamineed oo Saameyn ku yeeshay Dagaalka Al-Shabaab

Dhibaatada Ciidamada dowladda ayaa muujineysa baahida loo qabo dib-u-habeyn dhameystiran oo ku saabsan hoggaanka.

  • Soomaliya

    16-05-2025

  • 09:14AM

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM