Dhimashada weerarkii Hotel Saxafi Muqdisho oo korortay

Image

Nov 2,2105 (VOA)- Tirada dadka ku dhintay weerarkii shalay ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadday Hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho ayaa kor u kacday, sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta.

Mas’uuliyiinta iyo ilaha caafimaadka ee Muqdisho ayaa tiradii ugu dambeysay ee dadka weerarka ku geeriyooday waxa ay ku sheegayaan inay iminka tahay 15 qof, in ka badan 20 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka ku dhaawacmay weerarka waxaa ka mid ahaa weriye Faysal Cumar oo oo ah sawri-qaade, halka weriye kale oo ay isla socdeenna uu ku dhintay.

Feysal oo wareysi siiyey VOA-da ayaa sheegay in maleeshiyadii weerarka soo qaadday markii ay koreen dabaqa hotel Saxafi ay billaabeen inay rasaas ku furaan dadkii joogay bannaanka hotel-ka.

Waxa kale oo uu sheegay in weriyhii saaxiibkiis ahaa ee la socday uu ku geeriyooday baabuur uu gabbaad ka dhigtay markii ay rasaasta ka soo cararaeen kaasi oo ku qarxay.

Sahra Cabdi Axmed ayuu uga warramaya sida ay wax u dhaceen. Halka ka dhageyso 

VOA

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM