Dhinacyada isku Khilaafsan Galmudug oo lagu heshiisiinayo Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta kula kulamy xafiiskiisa dhinacyada isku haya siyaasadda maamulka Galmudug.

Wararka aan ka helayno Villa Soomaaliya, ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu Xalay Kulamo gooni gooni ah la yeeshay labada dhinac, isagoo kala hadlay soo afjarida xiisadaha ka taagan Galmudug.

Kulanka hore wuxuu Madaxweynaha la qaatey Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey, Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Maalin.

Sidoo kale, waxa uu qaabilay Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf" oo isla arinta Galmudug iyo qaabkii looga gudbi lahaa dhibaatada taagan kala hadlay, waxaana labada dhinac aqbaleen in la dhex-dhexaadiyo.

Illo-wareedyo ku sugan Madaxtooyada ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu rajo wanaagsan ka qabo Xalinta Khilaafka Galmudug, oo dhinac ay dowladdiisu taageertay.

Waxaa socda hadda qorsho la doonayo in si fool-ka-fool ah la isku soo hor-fariisiyo labada dhinac, oo la doonayo inay dib usoo celiyaan wadashaqeyntii ka dhaxaysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM