Dhinacyo ka tirsan Shabaab oo ku dagaallamay gobolka Jubbada Hoose

Image

21 November, 2015(GO)-Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ee ka dagaallama gobolka Jubbada Hoose dalka Somalia, ayaa maanta ka dhacay deegaan lagu magacaabo Xagare oo 180km dhinaca kale Waqooyi ka xigta magalada Kismayo.

Labada garab ee dagaalku dhexmaray ku kala aragti duwanaa labo sarkaal oo horey Al-Shabaab uga tirsanaan jiray, kuwaasi oo la xiray kadib markii looga shakiyay inay ku biireen Daacish.

Xaaladda deegaanka iska hor-imaadku ka dhacay ayaa kacsan, lama sheegi karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, balse dadka deegaanka ayaa cabsi ka qaba inuu dhaco dagaal kale oo dhexmara garabyada maanta dagaallamay.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii dagaal sababay dhimashada 9 qof deegaanka Saakow ku dhexmaray labo garab oo ka tirsan ururka Al-Shabaab iyo xubno taabacsan Daacish.

Dhawaanahan waxaa soo baxayay khilaaf xoog leh oo kala dhexgalay ururka Al-Shabaab kadib markii qaar ka mid ah xubnaha ururka shaaciyeen inay ku biireen kooxda Daacish.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay bannaanbaxyo toddobaadle ah ilaa Xasan Sheekh ka baxayo Villa Somalia

Dowladda federaalka ayaa si adag u diidday sheegashada mucaaradka ee ah in muddo xileedka madaxweynaha uu dhammaaday.

  • Soomaliya

    20-05-2026

  • 07:47AM

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM