Soomaaliya: Dib u dhac ku yimid dhageysiga Dacwada CC Shakuur

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaciyay inuu wakiilnaminadii kala noqday saddex qareen oo u doodayay, isaga oo sharci darro ku tilmaamay dacwadda loo haysto.

Qareenada oo kala ah Tahliil Xaaji Axmed, Cabdikariim Maxamed Axmed iyo Amina Xaaji Axmed ayaa lagu wargeliyay in wixii maanta ka dambeeya aysan Cabdiraxmaan uga wakiil noqon karin kiiska loo haysto.

Warqad uu maanta soo saarey CC Shakuur ayaa lagu wargeliyay Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Banaadir inuu wakaaladda qareenimo kala laabtay saddexda qareen.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in aysan qareennadaasi ku matalin dacwada uu soo cusboonaysiiyay Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, oo uu sharci darro ku tilmaamay.

Dhanka kale, Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa dib u dhigtay dhageysiga Dacwada loo haysto CC Shakuur, kadib markii qareenadii matalayay kalsoonida lagala noqday islamarkaana aysan haysan wax wakaalad ah.

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu xaqijiyay in dacawada dib loo mudeeyay maalinta Arbacada ah, 3-da bisha January ee sanadka cusub 2018-ka.

Lama oga inuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu tagi doono Maxkamadda, maadaama uu gebi ahaanba kasoo horjeedo in kiiskiisa dib loo soo celiyo, maadaama ay go'aan ka gaartay 21-kii bishan Maxkamadda gobolka Banaadir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM