Dib u dhac ku yimid Shirka Amniga Qaranka ee Baydhabo [Akhri Sababta]

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Waxaa dib u dhac ku yimid Shirka Gollaha Amniga Qaranka ee la filayay in uu maanta oo Arbaco ah [28-ka Maarso] ka furmo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay baaqshada Shirka, iyadoo aysan Saraakiishu sheegin sababta rasmiga ah ee ka dambaysay inuu Shirka baaqdo maanta.

Illo ku dhaw Madaxtooyadda Koonfur Galbeed ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in Shirka uu u baaqday sababo la xiriira khilaafka Siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho, kaasi oo hareeyay Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda Khayre.

Khilaafka Hay'adaha sharci-dejinta iyo fulinta dalka sababay in ay hakad galaan Shaqooyin Xukuumadda u haysay qaranka, kadib markii Wasiiro badan ay ku mashquuleen Mooshinka xilka qaadista Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari.

Shirka Baydhabo ayaa la filayay in lagu dhameystiri heshiiyadii ay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ku saxiixdeen Shirkii hore ee lagu qabtey Muqdisho 6 illaa 10-kii Febuary ee sanadkan.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) ayaa lagu waday in maanta ay u gudbiso Madaxda dalka nooca Doorasho ee ka dhaci karta Soomaaliya sanadka 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM