Dib u dhac ku yimid shirka maamul u sameynta gobolada Hiraan iyo Shabeelaha Dhexe

Image

JOWHAR, Somalia -- Waxaa dib u dhac ku yimid furitaankii Wajiga Labaad, ee Shirka Maamul u samaynta gobolada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, kaasi is-mari-waa xooggan uu ka taagan yahay tan iyo markii la furay Bishii January, 2016.

IGAD iyo Wasaaradda arimaha Gudaha dowlada Federaalka Soomaaliya, ayaa shaaciyay todobaadkii tagey in shirka Jowhar furmayo maanta oo Sabti ah (September 3), balse  dib u dhacay markale.  

GO ayaa ogaatay in sababaha dib u dhaca keeney ay kamid yihiin, in ergada qaar ee ka imaaneysay gobolka Hiraan aysan tagin Jowhar. 

 Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo kamid ah duuba ka ugu muhiimsan Somalia ayaa weli ku adkeysanaya diidmada shirkaan isaga oo   doonaya in Hiiraan laga dhigo labo gobol, kadibna loo sameeyo maamul goboleed u gaar ah.  

Madaxweyne Xasan Shiikh oo kaashanaya urur goboleedka IGAD ayaa dabada ka  riixaya dhinaciisa in labadaan gobol sameystaan maamul goboleed inta aan la gaarin doorashada Somaliya ee sanadka 2106.  

GAROWEONLINE

Related Articles

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM

Villa Somalia oo billowday ololaha oorashadda Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka

Qaar kamid ah siyaasiyiinta damacsan xilalka cusub ayaa sidoo kale wajahaya caqabado gudaha beelahooda ah.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 05:37AM