Dibad-baxyo dhaawac sababay oo Baladweyne ka dhacay

Image

BALADWEYNE-Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhaawacmay dibad-baxyo ka dhan ah wafdiga madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh oo maanta ka dhacay magalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan.

Banaan-baxayaasha ayaa kasoo horjeeda qaabka dowladda Somalia u raadinayso xalka ku aadan khilaafka hareeyay shirka maamul u samaynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Boqolaal qof oo isugu soo baxay xarunta gobolkaasi ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah wafdiga dowladda dhexe ee Somalia.

Rasaas la tuhunsanyahay inay fureen ciidamada amniga magalada Baladweyne ayaa sababtay dhaawaca saddex ruux oo dadka isu soo baxay kamid ah.

Agaasimaha Guud ee cusbitalka xarunta gobolka Hiiran ayaa xaqiijiyay dhawaca shacabka soo gaaray, wuxuuna sidoo kale saadaaliyay inay jiri karaan dad kale oo qaba dhaawacyo.

Xaaladda ayaa lagu soo waramayaa inay haatan dagantahay, balse waxaa taagan xiisaddii ka dhalatay xal raadinta dowladda Somalia.

Shalay 25 Febrayo, ayay ahayd markii maglada Baladweyne gaaray wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Somalia oo rajo ka qabay qancinta beelaha ka cabanaya habka loo maray shirka maamul u samaynta labada gobol.

Ra'isal wasare Cumar Cabdirashiid oo ka horeyay madaxweynaha Somalia, ayaa guul darro kala soo laabtay kulamo uu la qaatay waxgaradka Hiiraan, waxayna soo jeediyeen qodobo dhawr ah oo kamid tahay in dowladda Somalia ku dhawaaqdo shir dib u hishiisiin ah oo ka dhaca Baladweyne.

Lama saadaalin karo halka uu ku dhammaanayo khilaafka ka dhashay maamulkaasi oo dowladda dhexe oo doonayso in durba la unko si uu qayb uga noqdo maamullada ka qayb galaya doorashada dalka Somalia sannadkan ka dhacaysa.

Maaha khilaafkii ugu horeeyay ee ka dhasha shir ay hogaaminayso dowladda Somalia kaasi oo lagu dhisayo maamul cusub.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM