​Dibadbax ka dhashay ugaas lagu xiray Guriceel

Image

Ciidamada maamulka Ahlusunna wal-Jameeca, ayaa maanta xabsiga dhigay mid kamid ah duub dhaqameedka gobolka Galgaduud, waxaana arrintaasi keentay dibad bax ay sameeyeen shacabka ku dhaqan degmada Guriceel.

Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Nuur, ayaa la xiray xilli uu kusii jeeday magaalada Muqdishu, waxaana xariggiisa loo aanaynayaa arrimo dhawr ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ugaaska guud ee beesha Cayr uu magaalada Muqdishu ugu socday arrimo ku saabsan soo xulista Xildhibaanada isagoo qorshaynayay inuu tago degmada Cadaado.

Balse, maamulka Ahlusunna ayaa Ugaaska ka dalbaday inuu Xildhibaanada kasoo xulo degmooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel, halkii uu kasoo xuli lahaa degmada Cadaado oo xarun u ah maamulka Galmudug.

Ugaaska, ayaa saacad kadib xorriyadiisii helay, mana jirto cid ilaa hadda ka hadashay sababta loo xabisay.

Guud ahaan dalka Soomaaliya, ayaa laga dareemayaa loollanka loogu jiro aqalka sare iyo kan hoose ee Barlamanka Soomaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM