Diblomaasiyiin Shir xasaasi kula leh Jowhar Madaxda maamullada

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating iyo Safiirka Turkiga Olgan Bekar  ayaa kulan xasaasi ah kula leh magaalada Jowhar Madaxada maamul goboleedyada dalka.

Kulanka oo ah mid Albaabada u xiran, ayaa waxaa ka qeybgalaya Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiiro katirsan Xukuumadiisa, oo ku sugan magaalada.

Shirkan ayaa lasu soo waramayaa in looga hadlayo khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, kaasi oo heerkii ugu sareeyay gaarey wixii ka dambeeyay Shirkii Kismaayo horaantii bishan.

Wararka waxay sheegayaan in Kulanka loogu gogol xaarayo Shirka wadatashiga uu Madaxweyne Farmaajo ku casuumay hogaamiyaasha maamullada, kaasi oo lagu wado inuu ka furmo Muqdisho 28-ka bishan October. Halkan ka akhri.

Jowhar waxaa ka socota xaflad lagu caleema-saarayo Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare, taasi oo ay ka qeybgalayaan madax sare iyo qaar kamid ah diblomaasiyiinta beesha caalamka u fadhida Soomaaliya.

Wixii kusoo kordha Kulanka, kala soco Wararka dambe ee Garowe Online.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM