Diblumaasiyiinta caalamka oo laba qodob hor-dhigay Fahad Yaasiin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Daahir, iyo wakiilada Beesha Caalamka u fadhiya Muqdisho, ayaa dhowaan ku kulmay xerada Xalane, sidda uu wariyey wargeyska afka dheer ee Al-Ceyn.

Sidda ku xusan warbixinta, kulankaas waqtiga rasmiyan uu dhacay uusan soo bandhigin jaraa'idka waxaa goobjoog ka ahaa lataliyaha amniga qaranka madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo, Cabdi Saciid.

Majaladdan oo soo xiganeysa warbixino kala duwan ayaa intaas ku dartay in diblumaasiyiinta ay doonayaan in hoos loo dhigo doorka siyaasadeed ee Fahad Yaasiin ama in gabi ahaanba meesha laga saaro.

"Sidda laga soo xigtay illo wareedyadda, safiiradda ayaa u gudbiyey Fahad Yaasiin laba dalab; midkood in uu joojiyo faragelinta arrimaha siyaasada ama in uu iska casilo xilka madaxa hay'adda sirdoonka," ayuu wariyey.

Jariirada ayaa daaha ka rogtay in danjireyaasha ay uga digeen Fahad in uu gacma-gacmeeyo amniga Madaxtooyadda, hogaamiyana ololaha doorashooyinka murashaxnimada ee dib u soo laabashadda Farmaajo.

Tani, sidda ku cad qoromadda, ayaa kusoo hagaageysa xilli uu jiro walaac ah in dowladdaha Turkiga iyo Qadar ay malaayiin Doolar ku bixiyaan soo laabashada xulafadooda Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Farmaajo.

Fahad oo gacansaar dhow la leh xukuumadda Dooxa isla markaana la aaminsan yahay in uu yahay maskaxdii ka dambeysay doorashadii Farmaajo ee 2017-kii ayaa mar kale u hanqaltaagaya difaacashada kursigaas.

Sidda uu xogta ku helay Garowe Online, qorshaha Fahad ee doorashada 2020-21 waxaa qayb ka ah in uu isaga noqdo Xildhibaan iskuna soo sharaxo xilka afhayeenka Golaha Shacabka si uu xasaanad u helo hadii Farmaajo guuldareysto.

Ankara ayaa qudheeda u daneyneysa in ay saameyn xoogan ku yeelato doorashada soo aadan si aysan u lumin arrimo ay kamid yihiin saldhiga ay ka hirgelisay duleedka Muqdisho iyo joogitaankeeda diblumaasiyadeed.

Doorashooyinka soo aadan ee Soomaaliya ayaa la saadaalinayaa in ay noqon doonan mid kamid ah kuwii ugu xasaasiyada iyo dhaqaalaha badnaa maadaama dhinacyada ku loolamaya ay hawada isku mariyeen weeraro afka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM

QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:09AM