Diblumaasiyiinta caalamka oo laba qodob hor-dhigay Fahad Yaasiin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Daahir, iyo wakiilada Beesha Caalamka u fadhiya Muqdisho, ayaa dhowaan ku kulmay xerada Xalane, sidda uu wariyey wargeyska afka dheer ee Al-Ceyn.

Sidda ku xusan warbixinta, kulankaas waqtiga rasmiyan uu dhacay uusan soo bandhigin jaraa'idka waxaa goobjoog ka ahaa lataliyaha amniga qaranka madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo, Cabdi Saciid.

Majaladdan oo soo xiganeysa warbixino kala duwan ayaa intaas ku dartay in diblumaasiyiinta ay doonayaan in hoos loo dhigo doorka siyaasadeed ee Fahad Yaasiin ama in gabi ahaanba meesha laga saaro.

"Sidda laga soo xigtay illo wareedyadda, safiiradda ayaa u gudbiyey Fahad Yaasiin laba dalab; midkood in uu joojiyo faragelinta arrimaha siyaasada ama in uu iska casilo xilka madaxa hay'adda sirdoonka," ayuu wariyey.

Jariirada ayaa daaha ka rogtay in danjireyaasha ay uga digeen Fahad in uu gacma-gacmeeyo amniga Madaxtooyadda, hogaamiyana ololaha doorashooyinka murashaxnimada ee dib u soo laabashadda Farmaajo.

Tani, sidda ku cad qoromadda, ayaa kusoo hagaageysa xilli uu jiro walaac ah in dowladdaha Turkiga iyo Qadar ay malaayiin Doolar ku bixiyaan soo laabashada xulafadooda Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Farmaajo.

Fahad oo gacansaar dhow la leh xukuumadda Dooxa isla markaana la aaminsan yahay in uu yahay maskaxdii ka dambeysay doorashadii Farmaajo ee 2017-kii ayaa mar kale u hanqaltaagaya difaacashada kursigaas.

Sidda uu xogta ku helay Garowe Online, qorshaha Fahad ee doorashada 2020-21 waxaa qayb ka ah in uu isaga noqdo Xildhibaan iskuna soo sharaxo xilka afhayeenka Golaha Shacabka si uu xasaanad u helo hadii Farmaajo guuldareysto.

Ankara ayaa qudheeda u daneyneysa in ay saameyn xoogan ku yeelato doorashada soo aadan si aysan u lumin arrimo ay kamid yihiin saldhiga ay ka hirgelisay duleedka Muqdisho iyo joogitaankeeda diblumaasiyadeed.

Doorashooyinka soo aadan ee Soomaaliya ayaa la saadaalinayaa in ay noqon doonan mid kamid ah kuwii ugu xasaasiyada iyo dhaqaalaha badnaa maadaama dhinacyada ku loolamaya ay hawada isku mariyeen weeraro afka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM