Digniin loo jeediyay Musharaxiinta Somaliland [Dhageyso]

Image

HARGEYSA, Somaliland - Xukuumadda Somaliland ayaa digniin adag u jeedisay Musharaxiinta Xisbiyada Siyaasadeed ee u tartamaya xilka Madaxweynaha mamaulkaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Ciise Faratoon, ayaa uga digay in Musharaxiinta inay sameeyeen kicin dadweyne iyo rabshado marka lagu dhawaaqo natiijada doorashadii 13-ka bishan la qabtay.

"Natiijada Gudiga Doorashada soo saaro waa inay ku dhaqmaan, oo ay aqbalaan hadii ay sax tahay, hadii ay wax ka qabanayaana ay Gudiga kala xisaabtamaan, waa inay ka feejignaadaan wax kasta oo keeni kara amni darro iyo qalalaase," ayuu yiri Faratoon.

Wasiirka wuxuu kaloo sheegay in ay la xisaabtami doonaan musharaxii sameeya fowdo, kicin dadweyne iyo qalalaase marka la shaaciyo natiijada doorashada Madaxweynaha oo maanta la filaya in lagu dhawaaqo.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Wasiirka ayaa ayaa xusay in hadii xisbiyada ka shakiyaan in ku shubasho dhinac codadka ah ay dhacday ay si toos ah ula xiriiraan Guddiga Doorashada, oo u diyaar ah xalkeeda.

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya xilli ka jirto cabsi ku aadan in lagu murmo natiijada doorashada Somaliland, oo sanadka ka adkayd kuwii hore, islamarkaana musharaxiinta eedo kulul isku jeediyeen intii Ololaha ku guda jireen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM