Digniino laga bixiyay ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya [Sabab]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka dowladda Turkiga ufadhiya dalka Soomaaliya ee Olgan Bekar ayaa wuxuu tilmaamay in hadii ay AMISOM isaga baxdo Soomaaliya ay sii kordhayaa culeysyadda ka jira amaanka guud ahaan ee dalka.

Wuxuu tilmaamay Danjiraha in Howlgalka Nabad Illaalinta Soomaaliya ee AMISOM ay kaalin muuqata ku leeyihiin dadaaladda dib loogu soo celinayo amaanka dalka, ayna la dagaalamaan Al-Shabaab.

Bekar oo u waramay Wakaaladda wararka Turkiga ee Anodoule Agency oo ka hadlayay dooda sii kordheysa ee ku saabsan in ciidamadda AMISOM la dhimayo ayaa yiri: "La'aanta AMISOM dhibaatoyinka amni way sii kordhayaan".

Hadalka Safiirka dowladda Turkiga ufadhiya Soomaaliya ayaa imaanaya xili ay sii kordhayaa xubnaha Beesha Caalamka ee u olalaynaya in AMISOM ay sii joogaan Soomaaliya, hadii ay baxaan amniga dalka sii xumaanayo.

Bishii hore ayey ahayd markii Gollaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay uu hakiyay qorshihii ciidamadda looga dhimi lahaa AMISOM, kaasoo qorshuhu ahaa inay bilaabatay bishi Novomber ee sanadkaan.

Dalalka caalamka ee ku lugta leh siyaasadda Soomaaliya iyo dalalka ay ciidamadooda ku jiraan howlgalka AMISOM ayaa la fahansan yahay inay xusul duub ugaleen sidii loo hakin lahaa qorshaha dhismista AMISOM.

Howlgalka AMISOM oo Soomaaliya soo gashay sanadkii 2006-kii ayaa ka kooban in ka badan 16-kun oo Askar ah, kuwaasoo ka kala yimid dalalka kala ah; Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Burundi.

Tan iyo markii ay yimaadaan dalka, oo hadda laga joogo muddo Tobban sano ah ayaa waxa uu wajahayaa howlgalka eedaymo ku saabsan inaanu ku guuleysan inuu xaliyo amaanka dalka guud ahaan xitaa caasimada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Ciidan oo Helay Darajada Ugu Sarreysa kadib Dagaal uu La Galay Dal Deris Ah

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayaa lagu sheegay in Munir lagu…

  • Soomaliya

    21-05-2025

  • 12:55PM

Aqalk Cad oo baahiyay muuqaalka duqeyn lagu beegsaday Daacish gudaha Calmiskaad

Mareykanka ayaa toos uga qeyb-qaadanaya dagaalka Daacish ee ka socda Calmiskaad, kaasoo Ciidamada Puntland billaabeen December 2024.

  • Soomaliya

    21-05-2025

  • 11:41AM