​Diiwaangalinta Murashaxiinta oo Muqdishu kasocota

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa saaka Muqdishu ka billowday diiwaan-gelinta Murashaxiinta Doorashada Madaxweynaha Somalia, oo la qaban doono 8-da Bisha Febuary, 2017.

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa noqday Murashaxii ugu horeeyay ee iska diiwaan-geliyay Xarunta Villa Hargeysa, oo ku taalla Madaxtooyada dalka.

Is-diiwaangelinta oo socon doonto Saddexda maalin ee soo socoto (Khamiis, Jimco iyo Sabti), ayaa waxaa laga qaadayaa murashax kasta lacag gaareysa $30,000 (Sodon Kun oo Doolarka Mareykanka).

Xildhibaanada Labada Aqalka ee Barlamanka oo dhawaan si wadajir ah ugu shiray Muqdishu ayaa go'aamiyay in dhaqaalaha diiwaangelinta Murashaxiinta 50% lagu caawiyo dadka ay saamaysay abaartu.

Murashaxiin aad u badan, oo uu kamid yahay Madaxweynaha uu waqtigiisu dhammaaday Xasan Sheekh Maxa'uud ayaa u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Somalia afarta sano ee soo socoto.

Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay dib u dhaca faraha badan ee Doorashada dalka, oo markii 5-aad dib loo dhigay maalintii shalay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM