​Dilal iyo Dagaal ka dhacay Gobolka Shabeella hoose

Image

BARAWE, Somalia- Labo Askari oo katirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu dilay duleedka deegaanka Ambareeso,  ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dilka labada askari ayaa waxaa geestay Koox hubaysan, oo katirsan Al shabaab.

Deegaanka Ambareeso, wuxuu 10KM dhanka Koonfur uga beegan Degmada Baraawe, oo hadda ay maamulaan ciidamada dowladda Somalia iyo AMISOM.

Dhanka kale, Al shabaab ayaa weerar ku qaadey saldhiga AMISOM ee deegaanka Ceel-jaalle, oo duleedka magaalada Markoo ku yaallo, waxaana weerarkaasi fuliyay rag katirsan Kooxda Al shabaab.

Al shabaab ayaa sheegtay inay dagaalka khasaaro ku gaarsiisay ciidamada AMISOM.

Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM kama uusan hadlin weerarada kala duwan ee ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose. Dadka Deegaanka ayaa xaqiijiyay in la weeraray saldhiga AMISOM ee  Ceel-jaalle.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM