Dilal loo gaystey shacabka kala duwan oo ka dhacey magalaada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Afar ruux oo shacab ah ayaa maanta siyaabo kale duwan loogu dilay magaalada Muqdishu, oo mudooyinkii dambe ay kusoo kordhayeen dilal qorsheysan.

Dadka la dilay ayaa waxaa kamid ah Labo dumar ah, oo lagu dilay meel ku dhaw Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdishu, waxaana dilay Askar ka tirsan ciidamada dowlada FS. 

Gabadha hore ayaa lagu dilay afaafka Garoonka Diyaaradaha markii ay murmeen Askari kamid ah ciidamada Nabad Sugida, sida ay dadka Goob Jooga ahaa u sheegeen Warsidaha Garowe Online. 

Waxyar kadib qof kale oo dumar ah ayaa lagu dilay Xaafadda Dan-wadaagta, kadib markii Askar hubaysan uu rasaas ku furey Gaari ay la socdeen shacab, xilli ay xirnayd wadada aada degmada Wadajir. 

Wadada xilligaasi waxaa loo xiray Madaxweyne Farmaajo, oo ka duulayay Garoonka Diyaaradaha. 

Labo qof oo kale ayaa lagu dilay galabta Garoonka Kubbada lagu ciyaaro oo ku yaalla degmada Dharkeenley, ee gobolka Banaadir markii Askar kale uu rasaas ku furtey dad daawanayey ciyaar halkaas ka socotey.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir, oo ku saabsan dilalkaan loo gaystey shacabka. 

Askarta dilka geysatay ayaa dhamaantood baxsaday. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM