Dilal qorsheysan oo ka dhacay caasimadda Soomaaliya

Image
Dableyda ka dambeysay falalkan madax jabiska ah ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen meesha ay wax ka dhaceen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Laba fal oo khaarijin ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen warar loo qaateen ah oo laga helay hay'adaha nabad-gelyadda.

Dabley wadatay mootada labada lugood ee loo yaqaano Fakon ayaa xaafada Sii Sii ee degmada Dayniile ku dilay Jeneraal Cabdullahi Xusen Warsame (Waran)  oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.

Kooxo hubeysan oo heybtooda aan wali la aqoonsan ayaa xalay degmada Dharkeenley waxay ku dishay Sheekh Cabdicaziiz Maxamed Xirsi oo ahaa Imaamka masaajid lagu magacaabo Dabaqeynka.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ay si degdeg ah u baxsadeen gacan-ku-dhiigleyaasha ka dambeeyay toogashooyinka kahor inta aysan meesha ay wax ka dhaceen soo gaarin ciidamadda dowladda.

Taliska booliska Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin falalkan lidiga ku ah nabad-gelyadda. Isku-dayo ay warbaahinta dooneysay in ay wax kaga waydiiso arrimahan ayaan guuleysan.

Sidoo kale, ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falalkan. Hase ahaatee, dhacdooyinka noocaan ah waxaa looga bartey dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Bishan November 7-deeda ayay ahayd markii degmada Dharkeenley ay kooxo hubeysan ku dileen Cabdiraxmaan Cumar Abshiroow oo la dhashay Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Cabdullaahi Cumar Abshiroow.

Dilalka qorsheysan ayaa kamid ah falalka amni daro ee laga digay in caasimada ka dhici karaan kadib dagaalka ay dowlada iclamaamisay ee ka dhanka ah maleyshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM