Dilalka Muqdisho ay askarta ugu geysteen Shacabka oo la baarayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xili mudooyinkii dambe ay isa-soo tarayeen dilalka sida ula-kaca ah ay askarta dowladda ugu geysanayaan Shacabka Muqdisho ayaa waxaa si kulul uga hadlay hogaanka Maxkamada ciidanka Qalabka sida ee dalka.

Korneyl Xasan Cali Nuur [Xasan Shuute] oo ah Gudoomiyaha Darajada koowaad ee Maxkamada, ayaa ku baaqay in la baaro khasaaraha shacabka kasoo gaara isku-dhacyada Ciidamada ku dhexmara magaalada.

"Xaqiidii ma ahan wax la aqbali karo in la daadiyo dhiigga shacabka, waa in la baaraa oo dadkii ku dhintay isku dhacyada Ciidamada, oo cadaaladda la horkeenaa cid kasta oo ku cadaata falkan," ayuu yiri Shuute.

Shuute ayaa sidoo kale farayaa dhamaan hay'addaha dambi-oogista inay baaritaano ay ku sameeyaan dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho, ayna caddeymo ku filan horkeenan Maxkamada.

Inkastoo uu warkaan ka dhawaajiyay Gudoomiyaha, hadana ma uusan daboolka ka qaaday waxa uu muteysan doono askarigii si bareer ah u toogta Qof shacab ah oo caasimada ku nool.

Maanta ayaa ugu dambeysay oo Askari katirsan Ciidamada dowladda ku dilay Nin Booto Bajaajle ah gudaha degmada Dharkeenley, ee gobolka Banaadir.

Labo maalin ka hor todobaadkan, askari ka tirsan ciidanka canshuuraha ee degmada Waaberi uu toogtey Darawal Mooto Bajaajle kadib markii ay ku murmeen lacago canshuur ah.

Marka laga soo tago dadka iska horimaadyada Ciidanka ku dhinta, waxaa Muqdisho kusoo kordhayay dilalka qorsheysan oo ay geysanayaan rag katirsan Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM