Diyaarad Drone ah oo ku dhacday duleedka Kismaayo

Image

KISMAYO, Somalia - Diyaarad nooca wax basaasta ee loo yaqaano (Drone), ayaa waxay ku dhacday deegaan ku yaallo duleedka magaalada Kismaayo, oo xarun u ah maamulka Jubbaland.

Diyaarada ayaa waxay ku dhacday deegaan lagu magacaabo Qudus, oo ay maamusho Al shabaab, kaasi oo qiyaastii 45KM dhanka galbeed uga beegan magaalada Kismaayo. 

Al shabaab ayaa qaadatey diyaarada burburtay, oo la sheegay inay leeyihiin Sirdoonka dowladda Mareykanka, oo mudooyinkii danbe howgallo duqeyn iyo Basaas ah ka samaynayay Jubbda Hoose. 

Horjooge ka tirsan Al shabaab, oo ku sugan Qudus, oo la hadlay Warfidiyeenkooda ayaa sheegay in Diyaarada ay kasoo duushay saldhig CIA-da Mareykanka ku leeyihiin Kismaayo, islamarkaana howlgal Basaas ah ka samaynaysay deegaanada Al shabaab maamusho. 

Wuxuu sheegay inay ka heleen Diyaarada Kaamarooyin iyo Muuqaalo ay duubtay, oo xogtooda u gudbin lahaa ciidamada Sirdoonka dowladda Mareykanka. 

Ma jiro war kasoo baxay Mareykanka iyo Jubbaland oo ku aadan diyaarad Drone-ka ah ee ku dhacday deegaanka Qudus, oo ah goob ay saldhigyo military ku leeyihiin dagaalyahanada Ururka Al shabaab.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Khatarta Dagaalyahanno Shisheeye oo Tababar Qaatay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad ugu eedeeyay Xuutiyiinta inay hub u gudbiyeen Al-Shabaab iyo Daacish.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:47AM

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM