Diyaarad drone-ka Maraykan oo weerartay al-Shabab

Image

Maraykanka ayaa sheegay in uu fuliyay weerar cirka ah oo ay loo adeegsaday diyaaradaha meelaha fog laga hago ee drones-ka.

Weerarka ayaa xarunta Pentagon-ka ee Maraykanku u cadaysay BBC in ay ku qaadday xarun tababar oo ku taalla Soomaaliya. 

Waxaa Maraykanku sheegay in uu rumaysan yahay in lagu dilay in ka badan 150 ka tirsan dagaalamayaasha al-Shabab, waa sida Pentagon-ka uu sheegay. 

Xarunta gaashaandhigga Maraykanka ee The Pentagon waxay sheegtay in weerarku uu dhacay maalintii Sabtida, uuna bartilmaameedku ahaa xero tababar oo ku taalla caasimadda Muqdisho.

Waxaa Maraykanku sheegay in dagaalamayaasha al-Shabaab ay diyaarinayeen weerar xoog leh. Wax jawaab ah oo hadda laga hayo ma jirto xarakada al-Shabab.

BBC

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM