Diyaarad uu leeyahay taliska AMISOM oo burburtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM] ayaa sheegay in diyaarad ay leeyihiin ay Axada maanta ah ku burburtay garoonka Ballidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidda ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay AMISOM, diyaaradda oo ah nooca qumaatiga u kaca ayaa burburtay waxyar kadib markii ay ka duushay madaarkan ammaankiisa sidda weyn loo ilaaliyo.

Afar askari oo saarneyd duulimaadkan aan la ogeyn halkuu kusii jeeday ayaa la badbaadiyey, sidda ku cad bayaanka, oo intaas ku daray in dhamaantooda ay waqti xaadirkan ku jiraan xaalad wanaagsan.

"Baaritaan ayaa ku socda waxa sababay burburka diyaaradda. Sikastaba ha noqotee, warbixino horudhac ah waxay sheegayaan in ay la xiriirto cilad farsamo," ayaa lagu yiri qoraalka AMISOM.

Qoraalka oo lagu daabacay bogga Twitter-ka ee howlgalka AMISOM ayaa waxaa lagu caddeeyay in diyaaradda uu lahaa Howlgalka AMISOM gaar ahaan Taliska Ciidamadda difaaca waddanka Uganda.

Garoonka Ballidoogle oo horey uu u dhisay Midowgii Suufiyeeti waxaa sanadihii ugu dambeeyay ay fariisin ay u ahayd ciidamadda Mareykanka kahor inta aysan dhowaan u wareegi Jabuuti iyo Kenya.

Taliska Ciidamadda Kumaandooska Soomaaliya iyo howlgalka AMISOM ayaa sidoo kale waxay fariisimo ku leeyihiin xeradan oo magaala madaxda Muqdisho u jirta 101.5 KM marka loo maro jidka Warshadaha.

Hoos ka akhriso qoraalka AMISOM

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM