Diyaarad weerartay Gaari ay la socdeen Hogaamiyaal katirsan Al shabaab

Image

MUQDISHU, Somalia - Diyaarad Drone ah ayaa xalay Saqdii dhexe gobolka Shabeellaha hoose ka fulisay weerarka dhanka cirka ah, oo ay la bartilmaameedsatay Hogaamiyaal katirsan Kooxda Al shabaab.

Saraakiisha Ciidamada gobolka, ayaa sheegay in Diyaaradda Drone-ka ay dhowr Gantaal ku riday Gaari ay la socdeen Hogaamiyaal Al shabaab, xilli uu marayey meel ku dhaw Deegaanka Lambar-konton.

Wararka ayaa sheegay in mid kamid ah Gantaallada uu ku dhacay Gaariga, balse Lama oga Khasaaraha Al Shabaab kasoo gaarey weerarka, mana jirto wali war kasoo baxay Kooxda.

Askari katirsan ciidamada gaarka Mareykanka ee Navy SEAL ayaa bishii lasoo dhaafay lagu diley Howlgal ka dhacay deegaanka Bariire, oo aan sidaasi uga fogeyn halka uu weerarkii xalay ka dhacay.

Militariga Mareykanka ee ka howlgala Qaaradda Africa (AFRICOM) ayaa sheegay inay kordhinayaan duqeymaha dhanka cirka ah ee Somalia, si looga hortago khatarta Al shabaab ee Danaha Geeska Africa.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa kamid ah Meelaha ay ku xooggan yihiin Al shabaab dalka Somalia, lana rumeysan yahay inay kasoo abaabulaan qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM