Diyaarad xamuul oo mar kale Somalia ku soo dhacday

Image

28 Octobar, 2015(GO)-Wararka ka imaanay Koonfurta Somalia ayaa sheegay inay soo dhacday diyaar xamuul nawaaxiga degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, oo 30 KM u jirta galbeedka Muqdishu.

Afhayeenka maamulka gobolkaasi oo la hadlay warbaahinta gudaha aya sheegay in diyaaradaasi dhacday xilli ay da'ayeen Roobab dabaylo wata, balse lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambaysay dhicitaankeeda.

Dadka ku nool xaafadda Cusmaan Durre ayaa VOA u sheegay in diyaaradda ay kusoo dhacday halkaas. Waxa ay intaas ku dareen in deegaanka ay maamulaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika, ayaa wararku sheegayaan inay u jiheystay goobta falkaasi ka dhacay, oo u dhow degmada Afgooye, hase yeeshee Roobab xooggan ayaa caqabad ku ah sida uu sheegay Gudoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose.

Dhawaan ayay ahayd markii diyaarad la socdeen lix ruux ku dhacday nawaxiga Muqdishu, waxaana laga lahaa dalka Masar, mana jirin wax khasaro ah oo ka dhashay marka laga reebo bur-bur ku yimi diyaaraddaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM