Diyaaradaha Ciidanka Kenya oo duqayn ka gaystay Duleedka Kismayo

Image

KISMAYO, Somalia - Diyaaradaha ciidamada cirka ee dowladda Kenya ayaa duqeyn ka fuliyay maanta deegaanka ay kooxda Al shabaab gacanta ku hayso, oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo.

Diyaaradaha dagaal ayaa Duqeynta la beegsadey saldhigyo Al-shabaab ku leeyihiin tuulada Kanjaroon, oo 60KM dhanka koonfur uga beegan Kismaayo, waxaana weerarka ka dhashay khasaarooyin badan.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan shan gantaal lagu dhuftay xaruumaha Al shabaab, gaar ahaan kuwa ay tababar ku siiyo dagaalyahaneeda. Dhowr xubnood iyo saraakiil ayaa ku dhimatay weerarka.

Khasaaraha shacabka kasoo gaarey Duqeynt ayaan la ogeyn, waxaana dadka deegaanka ay kusoo waramayaan in xoolo badan, iyo rayid lagu dilay gantaallada diyaaradaha ay ku garaaceen deegaanka.

Al-shabaab ayaa u diidey Dadka in ay ka soo ag-dhawaadaan saldhigyadooda la duqeeyay.

War kasoo baxay Militariga Kenya ayaa lagu sheegay in weerarka ay fuliyeen diyaaradaha Helicopters-ka nooca MD-500, islamarkaana ay ku beegsadeen saldhigyada Al shabaab ee Kanjaroon.

Kenya ayaa sheegtay in Al shabaab ay khasaaro lixaad leh ku gaarsiisay weerarka, islamarkaana lagu dilay tiro badan oo dagaalyahano iyo Saraakiil isagu jira.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM