​Diyaaradaha Kenya oo duqayn ka gaystay Gedo Somalia

Image

Diyaaradaha dagaalka Kenya, ayaa duqaymo ay sameeyay Shalay ilaa maanta waxay ku beegsadeen xarumo ku yaalla gobolka Gedo gaar ahaa Tuulo-Barwaaqo oo u dhow degmada Beledxaawo.

Maamulka gobolka, ayaa xaqiijiyay duqayntan, waxayna sheegeen inaysan jirin khasaaro ay gaysteen duqaymaha oo midkood lala beegsaday Masjidka Tuulo-Barwaaqo.

Afhayeenka Maamulka Gobbolka Gedo Nuur oo la hadlay VOA, ayaa dowladda Kenya ku eedeeyay beegsashada goobo aan munaasab ahayn, waxayna tilmaameen in arrintaasi u gudbiyeen maamulka Jubbaland.

Duqaynta Kenya, ayaa timi xilli dowladda Kenya wado weeraro xiriir ah oo ay ku beegsanayso gobolka Gedo kadib wixii kadambeeyay weerarkii lagu laayay ciidamada kusugna Ceelcadde.

GAROWEONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM