Diyaaradaha Kenya oo duqeyn ka geystey duleedka degmada Jilib

Image

November 25, 2014 (G)- Diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa maanta duqeyn ka geystey meel u dhow tuulada Hargeysa Yarey oo hoos tagta degmada Jilib ee gobllka Jubabda Dhexe.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo duqeynta iyo weliba khasaaraha ka dhashay haseyeeshee goob-joogeyaal ku sugan deegaanka Hargeysa Yarey ayaa warbaahinta u xaqiijiyey inay maqlayeen hugunka madaafiicda iyo guuxa diyaaradaha.

Diyaaradaha dagaalka ee militeriga Kenya ayaa saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey wadey duqeymo ay la beegsanayaan fariisimaha kooxda Al-shabaab ee gobollada Gedo iyo Jubbooyinka.

Saraakiisha ciidamada ammaanka Kenya ayaa shalay oo Isniin ahayd sheegay in duqeyn diyaaradaha dagaalka Kenya ka geysteen gobolka Gedo lagu diley ku dhowaad boqol xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

Milieeshiyo ka tirsan Al-shabaab ayaa Sabtidii lasoo dhaafay toogasho ku diley 28 qof oo macalimiin u badnaa, kadib markii ay kala degeen gaari bas ah oo ay ku safrayeen, dadkaasoo xiligii weerarku dhacay ka tegey degmada Mandheera kuna sii jeedey magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM