Diyaaradahii Qaadka oo laga wareejiyay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Diyaaradihii Qaadka keeni jiray magaalada Muqdishu ayaa loo wareejiyay gobolka Shabeellaha dhexe, kadib markii lagu siyaadiyay canshuurta ay ka qaado wasaaradda Maaliyadda Somalia.

Majirin wax diyaarad ah oo maanta soo cago dhigatay madaarka Aadan Cabdulle Cismaan.

Mid kamid ah Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde ayaa GO u sheegay in arintan ay timid markii khilaaf soo kala dhexgalay Wasaarada Maaliyadda dowladda Federaalka Somalia iyo Ganacsatada qaadka.

Ganacsatada qaadka waxay tilmaameen in Diyaaradaha ay ka degi doonaan wixii ka dambeeyay maanta oo Khamiis ah [April 20] Garoonka Diyaaradaha magaalada Jowhar, ee xarunta maamulka HirShabelle.

Dhowr diyaaradood ayaa maanta soo cago dhigtay magaalada Jowhar, waxaana jaadka caasumadda Somalia lagu gayn doonaa gawaari.

Majiro wax war ah oo illaa hadda kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Somalia oo ku saabsan muranka keenay in Ganacsatada ay u weeciyaan Diyaaradahii Qaadka ka keeni jiray Kenya, magaalada Jowhar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM