Doorashada Aqalka hoose Jowhar oo la hakiyay
JOWHAR, Somalia- Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashooyinka dadban ee dalka Somalia, ayaa looga hadlay shaqaaqo xalay ka dhacday degmada Jowhar gaar ahaan hool ay kasocotay doorashada Kursiga beesha Gugundhabe [Jufida Jidle].
Doorashadaas waxay keentay in gacan ka hadlay dhexmaro murashiin booskaas raadinaysay oo ku jiro wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Somalia, dowladda waqtigeedu dhammaaday.
Falkaas waxaa ku dhaawacmay saddex ruux oo ku jiro wiil uu dhalay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hir-Shabeelle.
Hadaba qoraalka Guddiga kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dib loogu noqdo amniga goobaha doorashada iyo waliba habka loo sugayo, waxaana doorashadii la hakiayay inta laga helay goob amni ah oo doorashadu ka dhici karto.
Guddiga ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay muranka hareeyay doorashooyinka, waxayna tacsi u direen dadkii waxyeelladu kasoo gaartay shaqaaqooyinkii ka dhacay doorashada Aqalka hoose.
Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay Guddiga doorashooyinka dadban ee dalka Somalia;
Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD) waxuu aad uga walaacsan yahay rabsahadaha gacan ka hadalka ah ee ka dhacay xarunta doorashada ee Hirshabeelle /jowhar xalay oo ay taariikhdu tahay 18/11/2016, iyada oo ay socotay codeynta doorashada kursiga Beesha Jidle/ Gugundhabe.
Guddigu si adag ayuu u cambaareynayaa rabshadahii hubeysanaa, isagoo u rajeynaya muwaadiniinta waxyeeladu kasoo gaartay bogsiimo deg deg ah.
Haddaba, Guddiga oo muhiimad gaar ah siinaya amniga Deegaan Doorashada Hirshabeelle/ Jowhar, gaar ahaan amniga Guddiyada Doorashooyinka, Ergada iyo Musharaxiinta, waxuu shaacinayaa in si ku meel gaar ah loo hakiyay qabashada doorashooyinka kuraasta dhiman ee Golaha shacabka ee Jowhar ka dhici laheyd.
Guddiga Federaalkan Hirgelinta Doorashada Dadban waxuu ka codsanayaa madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Guddiga Amniga Doorashooyinka Dadban in ay qiimeyn iyo dib u eegid ku sameeyaan qorshaha suggidda amniga ee deegaan doorashada guud ahaan iyo gaar ahaan xarunta doorashooyinka Hirshabeelle
Waxaa doorashooyinka dib loo billaabayaa marka ay Guudiga Amniga Doorashooyinka ay soo jeediyaan in dib loo bilaabo codbixinta, iyagoo xoojinaya amniga deegaan doorashada Hirshabeelle.
GAROWEONLINE