​Doorashada Aqalka Hoose oo ka socoto Kismaayo iyo Baydhobo

Image

KISMAAYO, Somalia- Waxaa maalintii labaad si habsami ah uga socdaan Kismaayo iyo Baydhobo doorashada xildhibaanada aqalka hoose, ee baarlamaanka la dhisayo dalka Soomaaliya.

Magaalada Kismaayo waxay ergadu gudaha galeen doorashada aqalka hoose, waxaana la filayaa in ay doortaan 12 Xildhibaan, iyadoo shalay la doortay 7 Mudane.

Mamaulka Jubbaland ayaa la dilayaa in maalmaha soo socdo uu soo dhamaystiro doorashada Xildhibaanadiisa aqalka hoose, oo gaaraya 42 Mudane.

Dhanka magaalada Baydhobo waxaa sidoo kale socoto doorasho taas lamid ah, waxaana lagu wadaa in maanta lagu doorto Doorashada aqalka hoose 8 Xildhibaan.

Doorashadii shalay ka dhacday Baydhobo, waxay ergada doorteen 7 Mudane, oo uu kuu jiray Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ee waqtiga la dhamaaday Maxa'ed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inay doorato 69 Xildhibaan, waana maamulka ugu xildhibaanada badan Xubnaha Baarlamaanka soo socdo ee dalka Soomaaliya.

Amaanka Kismaayo iyo Baydhobo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana si wadajir ah u sugaya amniga ciidamada maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, oo garab ka helayo kuwa AMISOM.

Dhanka kale, Magaalada Jowhar ayaa wararku waxay sheegayaan in maanta ka dhacayso doorashada aqalka sare, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta maamulka Hir-Shabeelle.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM