​Doorashada Galmudug oo markale dib u dhacday [Dhageyso]

Image

CADAADO, Somalia- Waxaa maanta markii saddexaad dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug, oo lagu balansanaa inay maalinta berri ah ka dhacdo magaalada Cadaado.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Galmudug Maxamed Xasan Geelle, oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Cadaado ayaa shaaciyay in doorashada Madaxweynaha la qaban doono 3-da Bisha soo socoto ee May.

Wuxuu sheegay in sababta ay tahay mid farsamo, isagaa tilmaamay inaysan jiri doonin dib u dhac kale oo ku yimaada doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Tallaabadan ayaa timid xilli maanta lagu waday in Murashaxiinta Madaxweynaha Khudbadahooda ka jeediyaan Baarlamanka, islamarkaana la qabto doorashada maalinta Berri ah, 30-ka Bisha April.

Saddex Murashax oo kala ah Axmed Ducaalle Geelle Ducaale, Axmed Shariif Cali Hilowle iyo Prof Cabdiqaadir Shirwac ayaa u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha labaad ee maamulka Galmudug.

Wadahadallo ay dowladda Federaalka dhexdhexaadinayso oo u dhaxeeysay Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa fashilmay, kadib markii dhinacyada ay isku afgaran waayeen qaabka awood qeybsiga maamulka cusub.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM