Doorashada golaha shacabka ee Somaliland oo la muddeeyay

Image
Mudaneyaasha gobolada waqooyi ku metela baarlamaanka federaalka ayaa lagu doortaa Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in uu ugu yaraan todobaadka soo aadan ay bilaaban doonto doorashada sharci-dejiyeyaasha Aqalka Hoose ee Somaliland.

Rooble oo xalay ka hadlay munaasabad ka dhacdey Villa Soomaaliya taasoo lagu maamuusayey ergada dalka ku meteshay dacwadda badda ayaa ku booriyey maamulada in ay dedejiyaan geedi-socodkan.

"Habeen kasta waxaan ku duceystaa in howshan ay nooga soo dhamaato si nadiif ah anaga oo aysan cidna na xag-xageyn, cidna wax u dhimin cidna aysan dhibaato soo gaarin," ayuu Rooble hadalkiisa kusii daray.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed iyo guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa si wadajir ah u daadihinaya geedi-socodka xubnaha gobolada waqooyi.

Dhanka kale, Rooble ayaa gaashaanka ku dhuftey wararka ku saabsan in dhaqaale la’aan baahsan ay soo wajahdey xukuumadda maadaama ay jiraan warbixino ah in beesha caalamka joojisay kabka miisaaniyada dalka.

"Ma jirto wax la yiraahdo sagxadda. Waxaan caddeynayaan in aan haysano mushaharkeena iyo kan ciidamadda. Waxaa naga dhiman xoogaa yar," ayuu tibaaxay isaga oo aan fahfaahinta waxa ay tabayaan.

Mudaneyaasha gobolada waqooyi ku metela baarlamaanka federaalka ayaa lagu doortaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho maadaama aysan tagi karin degaanadooda oo 1991-dii looga dhawaaqay gooni-u-goosad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM