Doorashada guddoonka barlamanka Jubaland oo berri dhacaysa

Image

April 27, 2015 (GO)- Doorashada guddoonka barlamanka cusub ee Jubaland ayaa maalinta berri ah ka dhici doonta magaalada Kismaayo.

Toban murashax oo u kala tartami doona xilalka guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeennada ayaa ka qayb gelaya doorashada.

Maanta oo Isniin ah waxay murashaxiintu barlamanka ka hor aqrin doonaan khudbado ku saabsan taariikh nololeedkooda iyo waxyaabaha ay qaban doonaan haddii la doorto. Murashaxiinta ayaa kala ah sidan:

Guddoomiyaha Barlamanka:

  1. Cabdi Axmed Qaasim.
  2. Fiidow Isaaq Ibraahim.
  3. Maxamed Cali Yuusuf.
  4. Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

Ku-xigeenka koowaad:

  1. Cabdikariim Cilmi Jaamac.
  2. Axmed Iftiin Maxamed.
  3. Aadan Khaliif Xaaji Yuusuf.
  4. Maxamed Daahir Cabdullaahi.

Ku-xigeenka labaad:

  1. Axmed Maxamed Abuukar.
  2. Cabdi Baaley Xusseen.

Dhismaha barlamanka Jubaland oo muddo dheer qaatey ayaa waxaa weli ka taagan khilaaf. Beelaha dega Jubbooyinka qaarkood ay qaaddacay barlamanka kadib markii ay saluugeen saamiga laga siiyey xildhibaannada Jubaland oo wadartooda guud tahay 75 mudane.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM