Doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo la muddeeyay

Image
Dhanka kale, madaafiic ayaa lagu weeraray dhismaha hay'adda sharci-dajinta Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah wuxuu kordhiyey lacagta diiwaan-gelinta musharaxiinta iyo hogaanka labada aqal – Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Xeerka doorashadda ee uu diyaariyey guddiga qaban-qaabada doorashada ayaa dhigaya Musharaxiinta madaxweynaha laga qaado 40-kun doolar xilli ay hore waxay ahayd 30-kun doolar.

Sidoo kale, musharaxiinta afhayeenadda iyo ku xigeenadooda ee labadda gole ayaa iyagana bixin doona 20-kun doolar illaa 15-kun xilli ay horey u ahayd 15-kun doolar iyo 10-kun doolar.

"Doorashada guddoomiyaha Barlamanka Soomaaliya waxaa la qaban doonaa 27 April 2022," ayuu yiri gudoomiyaha guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Cabdirisaaq Cumar, oo wasiirka amniga ka ahaa dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in ay ilaaliyaan jadwalka ay soo saareen dib-u-dhacna uusan imaan.

Dhinaca kale, Ugu yaraan hal qof oo kamid ah shaqaalaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay kadib markii hoobiyeyaal ay ku dhaceen qaybo kamid ah dhismaha hay'adda sharci-dejinta.

Weerarkan wuxuu imaanayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay ay baraha bulshadda hareeyeen warbixino ku saabsan in Villa Soomaaliya damacsan tahay carqaladeynta fadhiga xubnaha Aqalka Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM