Doorashada kuraasta Puntland ee Aqalka Sare oo la muddeeyay

Image
Afhayeenka baarlamaanka dowladda Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. [Photo: Puntland Parliment]

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka baarlamaanka dowladda Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa magacaabay Guddiga Qabshada Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Puntland ayaa la qaban doono 11/08/2021, kuna beegan maalinta Arbaca, sida uu shaaciyey guddomiye Jibriil.

"Waxaan rajaynaynaa in loo diyaar garoobo, cid kastaana qaadato doorka kaga aaddan," ayuu raaciyey qoraal uu soo saarey kaasoo lagu faafiyey barta Facebook-ga ee Madaxtooyada Puntland.

Guddoomiyaha ayaa waqtigan ogeysiiyey Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT), Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Puntland (SEIT), Musharixiinta Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland, iyo Dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka Heer Federaal in Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Puntland.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay saqdii dhexe wuxuu magacaabay liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee federaalka ku matalaya dowladda Puntland afarta sano nagu soo fool leh.

Deni ayaa Puntland ka dhigay maamulkii ugu horeeyay ee soo wada magacaabay dhamaan musharaxiinta kuraasta uu ku leeyahay Senate-ka maadaama gobolada kale qaar soo xusheen.

Wadarta musharaxiinta oo 22 ah ayaa waxaa dumar kaga jira todoba. Lix kamida waxay ku tartamayaan saddex kursi. Tani waxay Puntland ka dhigaysaa maamulka kaliya ee illaa hada lix wakiilo ku yeelanaya golaha.

Hoos ka akhriso magacyadda guddiga

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM