Doorashada Somaliya oo laga cabsi qabo iney dib uga dhacdo waqtigeedii

Image

MUQDISHU- Waxaa magaalada Muqdishu ka socda kulan u dhexeeya Guddiga doorashada Heer Federaal iyo xubno ka socda beesha caalamka kaasoo looga hadlayo jadwal cusub oo loo sameynayo doorashada wadanka Somaliya la filayo iney dhacdo dabayaqada sanadkaan.

Kulankaan ayaa wararka aan ka helyno sheegayaan in madaxda dowlada Federaalka [ Madaxweynaha Somalia iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid] ka warqabin heerka uu marayo iyadoo wararku sheegayaan in beesha caalamka aad uga xumaatey in jadwalkii madaxda Somalida ku dajisay Baydhabo aan siduu ahaa loogu dhaqmin.

Wararka ayaa shwwgaya in kulan isugu imaanayaan madaxda Somalida asbuuca hore ee bisha August magaalada Muqdishu kasoo lagu soo bandhigi doono jadwalka cusub ee doorashada Somalia oo ay wada diyaariyeen Guddiga doorashada Heer Federaal iyo xubnaha beesha caalamka ee ku lug leh arimaha Somalia.

Warsidaha Garowe Online ayaa helaya warar sheegaya in ay suurtagal tahay in jadwalka cusub lagu soo bandhigi doono in xulista aqalka sare ee Barlamanka Somaliya laga soo hormarin doono midda aqalka Hoose madaama magacaabistiisu ku xiran tahay madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo barlamanadooda.

Madaxweynaha Somaliya iyo Ra'isal wasaarihiisa Cumar Cabdirashid ayaan faragalin badan ku laheyn go'aamada gudiigaan ka gaarayaan jadwalka cusub inkastoo ay soo magacaabeen xubnahaan.

Kulanka madaxda Somalida ee Muqdishu ayaa noqnaya midkii ugu dambeeyey oo ay ka yeeshaan qaabka doorashada Somalia loo qabanayo iyo heerarka ay mari doonto.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM