Doorashada uu wado guddiga DF oo la codsaday in la hakiyo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka, Siyaasiyiinta, dhaqanka iyo waxgaradka ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa bayaan wadajir ah soo saarey

War-saxaafadeedkan uu arkay Garowe Online ayay si adag uga hor-yimaadeen jadwalka doorashada ee uu shaaciyey Guddiga doorashada ee lagu muransan yahay.

Guddiyadaas xudunta u ah is-mari-waaga ka taagan coddeynta 2020-21 ayay ku qeexeen "mid aan sifo sharci ah ahayn lagana filan karin in ay qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah".

Qabashadda doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ay ka digeen ayay rumeysan yihiin in ay dhabar-jab ku tahay midnimadda iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

Dhamaan daneeyeyaasha ayay cod dheer ku waydiisteen in laga shaqeeyo sidii loo joojin lahaa doorashadda uu qaban-qaabinayo guddiga lagu muransanyahay iyo fulinta habraacyadda.

Shalay ahayd markii guddigan degan huteel ku yaala Muqdisho uu shaaciyey jadwal doorasho kaasoo ay kusoo bandhigeen taariikhyo ay qabanayaan doorashooyinka labadda gole.

Midowga Musharaxiinta oo naqdiyey jadwalkaas ayaa uga digay maamulada taabacsan Villa Soomaaliya in ay u hogaan-samaan jadwalkaas ayna ka dhalan karo cawaaqib-xumo.

Hoos ka akhriso bayaanka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM