​Doorashada Xubnaha Aqalka Sare Somaliland oo Socota

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya deegaanada maamulka Somaliland, ayaa maanta si toos ah uga bilaabatay magaalada Muqdishu Caasumadda dalka, waxaana ilaa hadda la doortay ilaa hal mudane.

Tallaabadan, ayaa timid kadib markii Guddiga Hergelinta Doorashada heer Federaal, ay shaaciyeen in soo xulista Xildhibaanada bilaabanayso maanta oo Axad ah.

 Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku guulaystay Kursigii ugu horeeyay Doorashada Xubnaha Aqalka Sare Ee Beelaha Somaliland.

Xaashi, oo ah Xildhibaan hore, ayaa helay 29 cod, waxaana uu ka guulaystay Musharax la tartamay oo lagu magacaabo Maxa'uud Jirde.

 Kursiga 2aad ee Aqalka Sare ee Somaliland, kaasi oo ay u tartamayaan Muxudiin Sheekh Cali, Abdi Yusuf iyo Maxamed Sheekh Ibrahim.

Muxudiin Sheekh Cali ayaa ku guulaystay Kursiga 2-aad ee Aqalka sare ee Somaliland, waxaana uu helay 41 cod.

Waxaa la filayaa in maanta lagu doortay Xarunta Gaadiidka Booliska ee Muqdishu lix Kursiga, oo kamid noqonaysa Kuraasta Beelaha Somaliland ay ka heleen Aqalka sare ee Baarlamaanka cusub ee dalka Somalia.

Doorashada Kuraasta Beelaha Somaliland ayaa la qabanayaa xilli dhawaan ay Hogaanka Madasha Qaran 18 kursi ku kordhiyeen Xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka, si ay u xalinaan cabashooyinka Beelaha qaar.

Beesha caalamka ayaa ka hortimid go’aankii ay Hogaamiyaasha Madasha ku kordhiyeen kuraasta Aqalka Sare, waxaana ay ku baaqday in arrintaas loo daayo Baaralamanka cusub, oo leh go'aanada la xiriirka Dastuurka.

Si kastaba, waxaa la filayaa in doorashada 8-da Kursi ee lagu kordhiyay Aqalka sare ay dhacdo, kadib Doorashada Madaxweynaha Somalia oo aan la shaacin xilliga kama dambaysta ah ee la qabanayo.

Warsidaha Garowe Online, ayaa dib idiin kasoo gudbin doona Sawirrada iyo magacyada Xildhibaanada kusoo baxa doorashada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Beesha caalamka oo wadahadallo la yeelatay mucaaradka si loo xalliyo ismari-waaga doorashada

Ka qaybgalka Deni iyo Madoobe ayaa muujinaysa doorka muhiimka ah ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka ay ku leeyihiin wadatashiyadan

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 02:18PM

Hubanti la'aan soo wajahday natiijadda doorashaddii Koonfur Galbeed

Musharixiin uu kamid yahay Shariif Xasan ayaa sheegay in aysan aqbalayn natiijo lagu shubtay, xili Lafta-Gareen ciidankiisa duulaan ku yihiin Baydhabo.

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 11:33AM