Doorashadda Kuraasta Somaliland: Maareeye oo dib loo doortay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya ayaa Maanta dib loogu doortey Kursigii uu ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay, kaasoo oo katirsan Gollaha Shacabka.

Kursiga oo sumadiisu tahay Hope225, ayaa waxaa kula tartamay Maareeye Musharax malxiis ah, oo lagu magacaabo C/raxmaan Warsame Saciid kaasoo helay wareegii 1aad 3 cod oo kaliya.

Maareeye ayaa ku guuleystay 96 cod, waxuuna Gudiga ku dhawaaqey inuu yahay Xildhibaanka guuleystay, oo ku biiraya Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

Labo cod ayaa hallowdey, waxaana codadka dhiibtay 101 ergo.

Aamina Cumar Jaamac, ayaa iyaduna tartan la'aan ku guuleysatay kursigii ay horey ugu fadhisay, kadib markii ay u tanaasushay Gabar la tartamaysay, oo u muuqatay mid iyadu keensatay, oo malxiis ah Aamina Cismaan Diiriye.

Kuraasta Gobolada Waqooyi ama Somaliland ayaa noqday kuwii ugu horeeyay oo doorashadooda lagu qabto Muqdisho, iyadoo qeybaha kale ee dalka aaney wali ka billaaban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM