Doorashadii madaxtinimada Somaliland oo dib loo dhigey

Image

March 9, 2015 (GO)- Doorashooyinkii madaxtinimada Somaliland ayaa muddo sagaal bilood ah dib loo dhigey.

Af-hayeenka Guddiga Doorashooyinka Somaliland Saciid Cali Muuse oo shir jaraa’id ku qabtey magaalada Hargeysa ayaa shaaciyey in doorashada dib loo dhigey.

Sababta wuxuu ku sheegay inay tahay waqtiga harsan oo kooban iyo cod-bixiyeyaashii oo aan weli la diiwaan gelin.

Siciid Cali Muuse oo xilligii uu shirka jaraa'id qabaneyey weheliyeen wakiillo ka socdey xisbiyada Ucid, Wadani iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye, wuxuu intaas raaciyey in diiwaan gelinta cod-bixiyeyaasha si rasmi ah loo bilaabi doono dhammaadka bisha July ee soo socota.

Axsaabta mucaaradka Somaliland oo March 4, 2015 magaalada Hargeysa kaga dhawaaqey isbahaysi ay ku mideysan yihiin, waxay ku hanjabeen inaysan aqbali doonin doorashada in waqtigeeda dib looga dhigo.

Go'aamadii mucaaradku horay usoo saarey waxaa kamid ah:

  • xukuumadda oo looga digey inay gasho heshiisyo cusub iyadoo waqtigeedu gabaabsi yahay.
  • In doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigii loogu talo galay oo ah June 26, 2015.
  • In aysan xukuumaddu wax cudur daar ah u haysan dib u dhac ku yimaada doorashooyinka.
  • Hadii doorashooyinku dib u dhacaan in mucaaradku aqoonsan doonin xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha Wakiillada.
  • In la kala diro labada gole (wasiirrada iyo barlamanka) wixii ka dambeeya June 26, 2015.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM