Doorasho aan lagu tartamin oo ka dhacday Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay doorashada 7 ka mid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka gaar ahaan xubnaha deegaan doorashadooda ay tahay gobollada waqooyi iyada oo ay soo bexeen seddex mudane oo aan tartan galin.

Doorashada ayaa waxaana kusoo baxay xubnaha kala ah:- Khadra Maxamed Tukaale oo heshay 100 cod, kadib markii ay u tanaasushay Filsan Jaamac Cismaan oo la tartami laheyd, waxaana ay Khadra ku guuleysatay HOP#247.

Kursiga labaad ee HOP#245 oo doorashadiisa la qabtay ayaa waxaa ku guuleystay Cabdiraxmaan Axmed Suge oo isna helay 100 cod, ka dib markii uu isna u tanaasulay musharrax Aadan Geedi Cabsiye oo la tartami lahaa.

Kursiga saddexaad ee HOP#215 waxaa ku soo baxay Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo ahaa Senatar 4 sano ee hore, wuxuuna helay 94 cod. Isna waxaa u tanaasulay Musharrax Axmed Yuusuf Bakaal.

Kursiga Afaraad ee Hop#214 ayaa waxaa ku tartamay Dr Cilmi Maxamed Nuur iyo Tusmo jaamac liibaan, waxaase kursiga cod gacan taag ah 100 cod ku guuleystay Dr Cilmi Maxamed Nuur qofna kama aamusin.

Kursiga Shanaad ee Hop#209 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Xuseen Haadi, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Axmed Dhimbil Rooble Casoowe.

Kursiga lixaad ee HOP#211 ayaa waxaa ku guuleysatay Caasho Koos Maxamuud Cumar oo kursigaan oo horay ugu fadhiday Afartii sano ee la soo dhaafay.

Kursiga 7aad ee Hop#201 ayaa waxaa ku guuleystay Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib, waxaana horay ugu fadhiyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Dhammaan xubnaha soo baxay ayaana gelin wax tartan ah, iyada oo kuraasta loo xiray, taas oo natiijada ka dhigtay mid lasii ogaa, isla-markaana loo saadaalinayey xubnahan.

Qabashada doorashadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan dood xoogan ay ka taagan tahay kuraasta gobollada waqooyi, kadib markii guddoomiye Cabdi Xaashi iyo siyaasiyiinta kale ee taabacsan ay kasoo horjeesteen hannaanka loo maamulayo doorashadda socota.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM